Akhriso:-6,935-ardey oo Ku Dhacday Imtixaankii Dowladda Soomaaliya ay Qaaday

0

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa  shaacisay natiijada imtixaanaadkii mideysnaa ee dowladda.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo toos uga hadlayey Telefishinka Dowladda ayaa akhriyey war-saxaafadeed ay ku qoran yihiin tirada gudubtay imtixaanka, tirada dhacday iyo 10-ka qof ee kaalinta koowaad ka gashay sannadkaan.

Waxa uu sheegay wasiirka in 10-ardey  ee kaalimaha ugu horeeya galay ay dowladda Soomaaliya siin doonto deeq waxbarasho oo lacag la’aan ah dalka iyo dibedda meesha ay doonaan.

Sidoo kale wasaaradda Waxbarashada ayaa sameysay Website ay ardaydu si fudu uga heli  karaan imtixaanka gaar ahaan arday walba natiijadiisa, isagoo gelin doona website-ka www.soneb.gov.so.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here