Taliyaha Ciidanka Xooga oo La Kulmy Wafdi Ka Socda Dalka Talyaaniga+Sawirro

0

Taliyaha ciidanka xooga Dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa kulamo laqaatay mas’uuliyiinta ugu sareysa Ciidammada Dalka Talyaaniga.

General Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Madaxda Ciidamada Dalka Talyaaniga kala hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga iyo sidii sare loogu qaadi lahaa tabarada ey Talyaaniga siiyaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Dowladda Talyaaniga ayaa kamid ah Dowladaha Taageera Dowladda Federaalka SoomaaLiya,waxayna qalab ciidan ay siisaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here