Al-shabaab oo Afduubtay Askari Ka Tirsan Ciidamadda Dowladda+Dhageyso

0

Al-shabaab ayaa degmadda Buulo burde ee gobolka Hiiraan waxa ay ka afduubteen askari ka Tirsan ciidamadda dowladda Soomaaliya iyagoo sidoo kale halkaasi ku dilay Qof shacab ah.

Dilka iyo afduubka ayaa yimid kadib markii Rag ka tirsan Al-shabaab wadada u galeen nin shacab ah oo mooto ka watay kaas oo ka yimid deegaanka halgan ee isla Gobolka Hiiraan islamarkaana kusii jeeday Degmada Buulo-Burde, Balse marki uu soo gaaray garooka diyaaradaha degmadaasi uu halkaasi ka soo raacay mid ka mid ah ilaalada garoonka diyaaradaha kaasi oo ka tirsanaa ciidamadda dowladda.

Al-shabaab ayaa inta u dhaxeysa garoonka iyo magaalada u galay waxaana halkaasi ku dileen darawalkii motadda waxeyna horey u wateen askarigi iyo mootadda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here