Guddiyo Ka Kala Tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka oo Muqdisho Kulan Ku Yeeshay

0

Guddiyadda joogtadda ah ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xalay kulan ku yeeshay Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kulanka oo ay si wadajir ah u shir gudoominayeen Guddoomiyaasha Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare, ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa xoojinta iyo wada shaqeynta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Aqalka sare.

Qoraal laga soo saaray kulanka ayaa lagu sheegay in labadda Guddi ay waxyaabo badan ka hadleen,islamarkaana kulanka uu guul kusoo dhamaaday.

“Kulan wadajir ah ayay Magaaladda Muqdisho ku yeesheen Gudiyadda joogtadda ah ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana kulankaasi si wada jir ah u shir Gudoomiyay Guddoomiyaasha Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare,sidoo kale madasha waxaa goob joog ka ahaa ku-xigeenada labada Gudoomiye Cabdiwali Sheikh Ibraahim Muudeey iyo Abshir Bukhaari waxaana kulanka uu ku saabsanaa xoojinta iyo wada shaqeynta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Aqalka sare”, ayuu lagu yiri qoraalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here