Taliska booliska Gobolka Bari ee puntland ayaa faah faahin ka bixiyey howlgalo ay ciidamada amaanka puntland ka sameeyeen magaladda boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobolka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamud oo la hadlay warbaahinta simba ee muqdisho ayaa sheegay in howlgalkii ka dhacay Boosaaso lagu soo qabtay tiro dhalinyaro ah kuwaasi oo hada ku jira Xabsiga dhexe ee Boosaaso.
Taliyaha ayaa tilmaamay in howlgaladaan looga gon leeyahay sugidda amniga Boosaao oo mudooyinkii uga dambeeyey ay ka dhacayeen falal amniga lidi ku ah.
Dhanka kale Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobolka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamud oo aan wax ka weydiinay xariga Wariye Cumar laki maan oo ay ciidamada Booliska shalay xabsiga dhigeen ayaa ka gaabsaday in uu wax faah faahino ah ka bixiyo.

