Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax Barqanimadii maanta ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
Qaraxaan oo gaari loo adeegsaday ayaa ka dhacay goob ku dhow Bar koontarool oo Ciidamadda Amniga ay ku hubiyaan gaadiidka galaya Garoonka diyaaradaha Magaaladda Muqdisho,waxaana xiliga uu qaraxa dhacayay goobta lagu baarayay gaadiid fara badan.
Jugta qaraxa ayaa laga maqlay qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka banaadir,waxaa jiro khasaare ka dhashay.
Illaa iyo haatan lama oga tiradda rasmiga ah ee ku dhimatay kuna dhaawacantay qaraxa ka dhacay magaaladda Muqdisho,waxayna ciidamadda amaanka ay diideen in la tago goobta uu qaraxa ka dhacay.
Dhanka kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’addaha Amniga oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxa.




