Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowlada soomaliya ayaa maanta la geeyay deeganka Ceel-cadde ee Gobolka gedo kadib oo shalay ay weerareen ciidamada al-shabaab,
Sarkaal ka Tirsan ciidamada dowlada soomaliya oo lagu magacaabo shukri ayaa warbaahinta simba u sheegay in ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya oo aad u hubeysan in maanta la geeyay deeganka ceel-cadde oo shalay lagu weeraray ciidamo ka Tirsan Kenya oo mudooyinkii dambe deegankaas ku suganaa.
Waxa uu sheegay in ciidamada loogu Talagalay In ay ka hortagaan weerarada al-shabaab ay deeganka kusoo qaadaan isagoona sheegay in ciidamada Kenya iyo kuwa dowlada soomaliya ay iska kaashan doonaan la dagaalanka xarakada al-shabaab,
Shalay ayay aheyd markii deeganka Ceel-cadde ay weerar qorsheysan ay ku qaadeen ciidamada al-shabaab iyagoona sheegay in deeganka ay ku dileen ku dhawaad 60-askari oo ka Tirsanaa ciidamada Kenya,

