Maxkamada Ugu Sareysa Mareykanka oo Xukuntay laba Ruux oo u dhalatay dalka Sweden

0

Maxkamada ugu sareysa dalkaasi mareykanka ayaa xukun ku riday laba ruux oo u dhalatay dalka  Sweden  kuwaasi oo lagu eedeeyey in ay teegeero balaaran u fidinayeen xarakada Al-shabaab ee soomaalia.

Labadaa nin ayaa lagu kala magacaabo cali yaasiin axmed oo 31 sano jir ah iyo maxamed yuusuf33 sano jir ah. ayaa mudooyinkii dambe ku nolaa dalka Mareykanka,

Qaadiga  Maxkamada sare  ee dalka Mareykanka John Gleeson ayaa sheegay in ragaan lagu xukumay min 11 sano oo xabsi ah.

Ragaan ayaa muddo ku noolaa magaalada newyork ee dalka mareykanka iyagoo asal ahaan kasoo jeeda dalka soomaaliya.

Horay maxkamada sare ee mareykanka ayaa xukuno dhaadheer ku xukuntay rag lagu helay in ay ka tirsan yihiin Alshabaab iyo kuwa taageero xoogan siin jiray. al-shabaab,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here