Guddiga Amniga ee Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa eedeen culus u jeediyay wasiirka Amniga Puntland C/samad galan.
Guddiga ayaa sheegay in wasaraddu aysan fulin qorshe ka kooban 10 qodob oo ku aaddanaa sugidda amniga Puntland.
Qodobada ay fulin wayday wasaaraddu ee guddigu xusay waxaa kamid ah la’dagaallanka argagixisada diiwaan-gelinta ciidamada iyo dhaqan-celinta xoogaga ka soo xerooda argagixisada.





