Meydkad Askar Kenyaan ah oo ay Dileen Shabaab oo La Gaarsiiyay Wajeer

0

Ugu yaraan 8 askari oo ka tirsan police-ka Kenya ayaa ku dhintay weerar loo adeegsaday miino la dhigay waddada dhinaceeda oo haleelay gaari ay la socdeen.

Weerarkan lala beegsaday ciidamada Kenya ayaa ka dhacay meel u dhow xadka ay wadaagaan dalalka Somalia iyo Kenya.

Gaariga uu qaraxa haleelay ayaa ku safraayey bariga Wajir, waxaana saarnaa ilaa iyo 11 ruux.

Guddoomiyaha Gobolka waqooyiga bari ee Kenya oo shir jaraa’id ku qabtay ilinka laga galo Isbitaalka guud ee Wajir ayaa sheegay in meydadka askarta ku dhimatay qaraxaas la gaarsiiyey Wajir.

Guddoomiyaha ayaa xusay in lasoo gaarsiiyey Isbitaalka Wajir meydadka 7 askari oo Kenyan ah iyo dhaawaca labo kale.

Waxa uu intaas raaciyey in meydadka askartan kenyan ka ah loo daabulayo goboladii ay kasoo galeen police ka si aas loogu sameeyo.

Al Shabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana bogagga taageera Al Shabab lagu daabacay in 10 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya lagu dilay weerarkaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here