Al-Shabaab oo Sheegay in ay Dileen 10 askari Kenyaan ahaa

0

Al-shabaab ayaa sheetgay qarax maanta ka dhacay gudaha dhulka Soomaalida NFD ee Dowladda Kenya Maamusho.

Qaraxa ayaa lala helay gaari dagaal ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Kenya,wuxuuna marayay wadada xiriirisa deegaannada qorod Xareer iyo Koton oo dhammaantood katirsan Wajeer.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa lagu dilay in kabadan 10 askari Kenyaan ah gaar ahaan kuwa loo yaqaan (AP) oo ah ciidamo Boolis ah.

“Shabaab ayaa weerar ka dhacay Wajeer ku dilay in kabadan 10 katirsan ciidamada booliska dowladda Kenya, mujaahidiintu waxay cadowga kasoo qaniimeysteen illaa sagaal qori” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Kenya oo loogu hadlaayo qaraxa ka dhacay Gobolka Woqooyi bari Kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here