Shabaab oo Sheegay in Silsilado Qaraxyo iyo Weeraro ay u Diyaariyeen Muqdisho

0

Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay qaraxyo magaaladda Muqdisho Duhurnimadii maanta ka dhacay.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay isgoyska Sayidka oo laga ilaaliyo Madaxtooyadda Soomaaliya,iyo xarunta baarlamaanka Soomaaliya waxaana loo adeegsaday gaari Suruf.

Sida ay xaqiijiyen booliska Soomaaliya, gaariga qarxay ayaa waxaa eryanayay Ciidamadda booliska Dowladda Soomaaliya,balse si iskiis ayuu u qarxay.

Dhanka kale qarax labaad ayaa ka dhacay isla waqtigaas Naxaawiga KM4 waxaana qaraxaas loo adeegsaday gaari kuwa raaxadda ah.

Sida ay baahisay warbaahinta Shabaab, qaraxyada ayaa qeyb ka ah silsilado weeraro ah oo lagu beegsanayo koontaroollada  Muqdisho islamarkaana la doonayo in lagu naafeeyo hay’adaha amniga ee DF islamarkaana lagu wiiqo  awood  u leeyihiin in ay difaacaan xarumahooda.

Sida ay sheegeen shabaab qaraxyadii maanta waxaa lagu dilay 31-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here