Booliska oo Sheegay in La Qabtay Ruuxii Waday Gaariga ku Qarxay Km4

0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay qarax duhurnimadii manta ka dhacay Nawaaxiga Isgoyska Km4 ee Muqdisho.

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Generaal Zakiya Huseen Axmed oo qoraal soo dhigtay barteeda bulshadda ayaa sheegtay in Ciidamadda ay qabteen wadihii Gaariga isaga oo aan geysan wax khasaara ah.

“Waxaa agagaarka KM4 ku qarxay gaari noociisa yahay Toyota NOHA oo qalin ah, ciidamada amniga ayaa ku guleeystay in ay gacanta ku soo dhigaan wadihii gaarigaas wax qasaarana ma uusan geysan qaraxaas”. ayay tiri Taliye Zakia Xuseen Axmed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here