Gudoomiyaha golaha aqalka sare ee dalka sanoter cabdi xaashi cabdulaahi oo warbixin siinayay senaterada golaha golaha aqalka sare ayaa ka hadlay khilaafka ka dhexeeya labada gole ee barlamaanka federalka somaliya.
Cabbdi xaashi cabdullahi ayaa sheegay inay madaxda qaranka iska arkeen arinta khilaafka labada gole ee barlamaanka, si gaar ahaana gudomiyaha golaha shacabka maxamed Mursal shiikh cabdiraxmaan
Waxa uu sheegay dalku inuu yahay mid ku shaqeeya hanaanka federalka, labada golana midba gooni uusan u shaqayn Karin,wadahadalada uu la yeeshay gudomiyaha golaha shacabkana uu rajaynayo inuu natiijo kasoo bixi doono caawa marka ay labada gudoomiye iyo madaxwaynaha ay kulan ka yeeshaaan khilaafka labada gole ee barlamanka.
Gudoomiye cabdi xaashi ayaa sheegay golaha aqalka sare inay matalaan dowlad-goboleedyada dalka,islamarkaan dastuurka federalka ahna uusan ku cadeyn awoodaha goluha aqalka sare leeyahay.
Waxa uu sheegay iny talooyin u direen guddiga ka shaqaynaya dib-u-eegida dastuurka inay soo cadeeyaan awoodaha uu leeyahay golaha aqalka sare ee dalka.
Bishii janaayo ee bilowgii sandkan 2019ka ayay aheyd markii warqad kasoo baxday xafiiska gudoomiyaha golaha aqalka sare cabdi xaashi cabdullahi lagu sheegay in golaha aqalka sare uu hakiyay wada shaqayntii ay lalahaayeen golaha shacabka dalka.

