Xildhibaan Sabab Layaab Leh Ku Dhaawacay Wiil Dhalinyaro ahaa Xudur+Dhageyso

0

Xidhibaan Xasan Isxaaq oo ka tirsan Xidhibaanadda Golaha Deegaanka Degmadda xudur ee xarunta Gobolka Bakool ayaa dhaawac halis ah u geystay mid ka mid ahaa dhalinyarada ku nool magaaladda xudur.

Xidhibaanka ayaa rasaas la dhacay wiilka kadib markii uu dhex maray dagaal gacan ka hadal ah.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmadda Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool Gaanshaanle dhexe Xusen Maxamed Axmed Oo wareysi siiyey Radio Simba ayaa sheegay in dagaalka uu yimid kadib markii wiilka la dhaaawacay wiil la dhashay uu mooto ku dhuftay Xidhibaanka kadibna xidhibaankii uu arinkaa ka carooday taasina sababtay in uu adeegsado Bastoolad uu watay.

Teliyaha ayaa sheegay in xidhibaankii dhibta geystay uu hada ku xiranyahay saldhig Booliska Degmadda xudur iyadoo wiilkii dhaawaca ah xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo isbitaalka Guud ee Degmadda xudur.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here