Laamaha amaanka Gobolka mudug ee maamulka galmudug ayaa war kasoo saaray Dad kasoo jeeda Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo xaley lagu laayey magaalada gaalkacyo Qeybta ay Galmudug ka maamusho.
Godoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada Maamulka Galmudug ee gobolka Mudug oo wareysi siiyey Radio Simba ayaa sheegay in Dilka sagaalka Qof uu yimid kadib markii bartamaha magaaladda Gaalkacyo lagu dilay mid kamid ah saraakiisha amaanka Magaaladda gaalkacyo kadibna ay shacabkii ka caroodeen arinkaa taasina sababtay maleeshiyo hubeysan ay Rasaas la dhacaan Dad shacab ah oo ku caweynayey meel maqaaxi ah.
Cabdi sheikh Xuseyn Godoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada Maamulka galmudug ee Gobolka Mudug aya tilmaamay in ay gacanta ku haayaan dad loo heysto dilka dadka shacabka ah sidoo kalena ay wadaan howlgalo ay ku badi goobayaan kuwii ka dambeeyey dilka dadka shacabka ahaa.
Uga dambeyn wax uu Tacsiyo u diry ehlada iyo Qaraabada ay ka soo jedaan shacabkii lagu laayey gaalkacyo.

