Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Al-shabaab iyo Ciidamadda Midowga Afrika AMISOM.
dagaalkaan ayaa xalay ka dhacay gudaha iyo hareeraha degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab ayaa weerar dhowr jiho ahaa ku qaaday Saldhigga Ciidamadda Uganda ee ku yaala agagaarka Buundada Qoryooleey.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka dagaalkaan ayaa socday muddo saacado ah.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka xalay ka dhacay Degmadda Qoryooley.

