Waxgaradka Gobolka hiiraan ayaa ka hadlay iska hor-imaad duleedka magaalada baladweyne ku dhexmaray ciidan uu wato gudomiyihii xilka gobolka hiiran laga qaaday iyo ciidanka boliska hirshabelle.
Waxgaradka ayaa sheegay xaalada cakiran ee magaalada baledweyne inay usaarayaan guddi waxgarad ah oo kala dhexgala dhinacyada dagaalamay.
Nabadoon Maxamed yacquub isxaaq oo idaacadda simba lahadlay ayaa ku baaqay in lajoojiyo dagaalka, waxgaradka gobolka hiiraana ay kasoo horjeedaan in lagadaalamo, cidii uu doonaba dagaalku ha u dhaxeeyee.
Dagaal ka dhacay deeganka kalabeer ee duleedka magaalada baladweyne waxaa ku geeriyooday taliyihii qaybta booliska gobolka hiiraan Gashaanle dhexe Maxamed macow Xalane, waxaana ku dhawacmay taliyihii boliska magaaladda baladweyne.

