Wararka Caawa Naga soo gaaraya deegaanka Ceel-cadde oo qiyaastii 60-KM u jira Magaalada Garbahaareey ee Xarunta gobolka gedo ayaa ku waramaya in gabi-ahaanba ay Caawa deegankaas ka maqan tahay isgaarsiinta taleefanada, Gacanta,
Deeganka ay saakay al-shabaab weerar ku qaadeen ay caawa waxaa laga dareemayaa Saan saan ciidan ay sameynayaan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee amisom,
Warar baraha al-shabaab Lagu qoray ayaa Lagu sheegay In al-shabaab ay la wareegeen deeganka iyagoona ku dilay weerarka 63-askri oo ka Tirsan ciidamada dowlada Kenya oo ku sugan deeganka Ceel-cadde,

