Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo beeniyay in Ciidamo ka Tirsan Kenya Lagu dilay Weerarkii Ceel-Cadde

0

Madaxweynaha wadanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku Tilmaamay war aan waxba ka jirin hadal uu sheegay Afhayeenka xarakada Al-shabaab Abdiaziz Abu Muscab oo ku aadan in weerarkii saakay ka dhacay deeganka ceel-cadde ay ku dileen 63-askari oo ka Tirsan ciidamada Kenya, ee qeybta ka ah Howlgalka amisom.

Uhuru Kenyatta oo war qoraal Bartiisa soo dhigay ayaa sheegay in wararkaas ay Yihiin kuwa la iska dhahay aysan waxba jirin in ciidamo aad u fara badan ay  kaga dhinteen weerarkii saakay lagu qaaday deeganka ceel-cadde ee oo u dhow Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Afhayeenka xarakada Abdiaziz Abu Muscab oo la Hadlay warbaahinta al-shabaab ayaa sheegay in ciidamada al-shabaab ay weerarkii saakay ku dileen 63-askari oo ka Tirsanaa ciidamada dowlada Kenya oo ku sugnaa deeganka ceel-cadde,

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here