Labo Sarkaal oo ka Tirsanaa Xarakadda Al-shabaab ayaa isku dhiibay Maamulka Degmadda Baardheere Gobolka Gedo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Labada Sarkaal ee isa soo dhiibay ayaa kala ah Mustaf Ibraahim Isaaq, iyo Maxamed Xasan Madhaale.
Mustaf Ibraahim Isaaq ayaa Xarakadda Al Shabaab u qaabilsanaa qeybta Sirdoonka, halka Maxamed Xasan Madhaale uu qaabilsanaa qeybta ilaalinta xabsiyada Deegaanada Jubbaland.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Alqaadi oo la hadlay idaacada Simba ee muqdisho ayaa sheegay in Labadda Sarkaal ay muddo ka Tirsanaayeen Al-shabaab,islamarkaana ay xiriro lasoo sameeyeen Maamulka Gobolka.
Waxa uu sheegay in si wanaagsan loo soo dhaweeyay Labada Sarkaal islamarkaana ay Maamulka kala shaqeyn doonaan arrimaha ciidamadda iyo dagaalka Xarakadda Al-shabaab.
Ugu dambeyntii Guddoomiye ku-xigeenka dhanka amniga gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Alqaadi ayaa ugu baaqay dhalinyaradda kale ee ka Tirsan Shabaab in ay kusoo biiraan Dowladda Soomaaliya.

