Xaaf:-“Gurigeyga Xamar Ma Tagin, Cadaadana diyaarad ayaan Ku Dulmaraa”,+Dhageyso

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa sheegay in muddo sanad ah uusan tagin magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya,islamarkaana intaas magaaladda cadaado diyaarad ku dulmarayay.

Xaaf oo xalay casho sharaf u sameeyay Dhalinyaradda Galmudug ayaa sheegay in caqabado iska jira ayay sabab u yihiin in uusan tagin labadda magaalo.

“culeys badan ayaa na haysta waad ogtihiin, waana iska caabineynaa, dadka naga soo horjeeda walaahi ma rabaan wanaageena, halkaan markii aan imaaneynay wax badan ayaan dhagax dhignay, wax soo laabtayna ma aydaan arkin, mana arki doontaan, wax badan ayaa jira hal sano, aniga xittaa gurigeyga ma tagin xamar ma tagin, Cadaadana diyaarad ayaan ku dulmaraa, cidina Galmudug nagu gumaysan maydo.” ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Dowladda dhexe iyo Galmudug waxaa ka  dhaxeeya khilaaf xoogan,waxayna labada dhinac hawada isku mariyeen dhowr jeer fariimo Hanjabaad ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here