Gudoomiyihii Gobolka Mudug ee Galmudug Cabdi Rashiid Xaashi Cartan ayaa ka hor yimid xil ka qaadis uu ku sameeyay Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).
Cartan oo shir Jaraaid ku qabtay magaladda muqdisho ayaa sheegay in warqada xil ka qaadista uu ka arkay baraha bulshadda,islamarkaana aan lagu soo wargalinin latashina lagala sameynin.
Waxa uu sheegay inuu wadatashiyo kala duwan uu la sameeyay waxgaradka iyo bulshada magaalada Gaalkacyo, islamarkaana aysan jirin xiligaan wax xil ka qaadis ah oo lagu sameeyay.
Dhanka kale waxa uu sheegay in Galmudug iyo Dowladda Dhexe xiriirkooda uu yahay mid aan wanaagsaneen,balse Galmudug aysan xiriirka u jari Karin Dowladdda Dhexe.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa xilkii ka qaaday Gudoomiyihii gobolka mudug kadib markii lagu eedeeyay maamul xumi.

