Askari ka tirsan ciidamadda military-ga Somalia ayaa mas’uul ka tirsan waaxda maaliyadda magaalada Beled-Weyne ku dhaawacay deegaanka Jawiil oo hoostaga degmada Beled-Weyne ee gobolka Hiiraan.
Askariga ka tirsan military-ga ee dhaawaca u geystay mas’uulkan ayaa isaga baxsaday goobta mana jirto sida muuqato cid ku howlan soo qabashadiisa.
Mas’uulka la dhaawacay ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Shiikh Cali, waxaana sida uu noo xaqiijiyey mid kamid eheladiisa oo lagu magacaabo Axmed nuur Daahiye dhaawaca mas’uulkan ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho.
Maamulka degmada Beled-Weyne iyo kan gobolka Hiiraan wali war ah kama soo saaarin dhaawaca loo geystay mas’uulkan ka tirsan waaxda maaliyadda ee magaalada Beled-Weyne.

