Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in ay Ka Maarmi Doonto Ciidamadda AMISOM+Dhageyso

0

 

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ( Amardanbe ) ayaa sheegay ciidanka somaliya inay kamaarmi doonaan garabka ay ka helaan ciidanka Amisom ee howlgalka nabad ilaalinta kawada somaliya.

Isagoo ka hadlayay tababar magaalada baydhabo looga furay ciidan ka tirsan dowlada somaliya ayuu wasiir (Amardanbe) u sheegay ciidaka inay dadaalaan si ay qayb uga noqdaan ciidanka la doonayo inay badalan ciidanka Amisom ee howgalka kawada somaliya.

Howlgalka Amisom ee somaliya ayaa qeyb waxaa ka ah dhowr dowladood oo Afrikaan ah, kuwaas oo dowlada somaliya tageero ka siiya ladagaalanka dhinacyada dowladda kasoo horjeeda.

Midowga yurub iyo dowladaha daneeya arimaha somaliya ee bixiya qarashka ku baxo howlgalka nabad ilaalinta somaliya ee Amisom ayaa dhimay qarashka kaga baxo Amisom taas oo ugu danbeen midowga yurub ay ku dhawaaqeen in sanad walba howlgalka Amisom laga dhimo 1,000 askari.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here