Degmadda Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir waxaa xalay ka dhacday dhacdo Ugub ah kadib markii nin kamid ahaa dadka deegaanka uu qarway, kadibna uu kasoo dhacay dabaqii uu deganaa.
Dhacdadan ayaa ka dhacday meel ku dhaw Hotelka Muna, dhisme ku yaallo.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka dhacdadaan ayaa dhacday xalay 3:00AM habeenimo,wuxuuna ninka kusoo dhacay dabaq kale oo ka gaaban dhismihii,taasi oo keentay inuu ka jabo laf dhabarta, waxaa kale oo burburay qeybta midig ee jirkiisa.
Dhanka kale Gaadiidka Gurmadka Deg Deg ah oo gaaray goobta ayaa qaaday ninka kasoo dhacay Hotelka Muna.

