Dowladda Mexico ayaa heshiis kula gaartay Mareykanka inay qaado talaabo aan horay loo arag oo lagu joojinayo dadka soo galootiga ah ee kusii qul quulayo Mareykanka.
Dowladda Mexico ayaa doneyso inay ka fogaato kororka canshuuraadka ee uu madaxweyne Trump kusoo rogay badeecadaheeda.
Mr Trump ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid lagu joojinayo canshuurta lagu soo rogay badeecada Mexico kadib qoraal uu kusoo qoray bartiisa twitterka.
Mareykanka ayaa horay u sheegay in canshuurta badeecadaha Mexico ay ku kordhi doonto 5% bil kasto haddii ay xakameyn waayaan soo galootiga.
Kororka canshuurta uu Mareykanka kusoo rogay Mexico ayaa lagu waday inay dhaqan gasho isniinta soo aadan.
Heshiiska waxa sido kale xaqiijiyey xoghayaha arrimaha dibadda Mexico Marcelo Ebrard oo bartiisa Twitter ka kusoo qoray hadallo la xiriiro heshiiska.
Wadahadallo socday in ka badan seddex maalmood kadib ayuuna yimid heshiiskan is afgaradka ah ee dhex maray Mexico iyo Mareykanka.

