Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda 3-ruux oo lagu dilay magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Warbaahinta Shabaab ayaa soo bandhigtay 3-da ruux,waxayna sheegtay in seddexda ruux ay ahaayeen ergadii Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya soo dooratay.
1-Max’med Sheekh Max’med oo kamid ahaa xildhibaannadii wax kasoo xulay xildhibaannada baarlamaanka ee lagasoo doortay dhanka Koonfur galbeed ayaa lagu dilay Dharkinley.
2-Cabdullaahi Maxamed Maax ayaa lagu dilay xaafadda Siigaale ee degmada Hodon, Maax wuxuu kamid ahaa Ergadii xildhibaannada kasoo xulay dhanka Koonfur galbeed.
3-Weerar ka dhacay Degmadda Dharkinley ayaa lagu dilay Nuur Isxaaq Ileey oo isna ka mid ahaa Ergadii ka qeyb galay shirarkii xildhibaannada lagusoo xulayay ee ka dhacay magaalada Baydhabo,
Dhammaan mas’uuliyadda dilalkan waxaa sheegatay Al Shabaab.

