Ugu yaraan 12 qof ayaa lagu dilay gobolka Virginia ee dalka Mareykanka kadib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay xarun dowladda hoose ay leedahay oo ay ku sugnaayeen shaqaalo fara badan.
Goobta weerarku uu ka dhacay waxaa rasaas isku dhaafsaday police-ka iyo dambiilaha weerarka geystay oo ugu dambeyn la toogtay.
Tiro dhaawacyo ah ayaa ka dhashay israsaaseynta dhacday, waxaana ilaa iyo hadda la xaqiijiyey dhaawaca 4 qof oo uu ku jiro sarkaal police ah.
Weerarka kadib police ka ayaa gudaha u galay dhismaha uu ninka hubeysani weeraray waxa ayna banaanka uga soo saareen shaqaalo fara badan, kadibna waxa ay rasaas ku fureen oo ay toogteen eedeysanaha.
Duqa magaalada Virginia Bobby Dyer ayaa tilmaamay taariikh ahaan maalin madow ay u tahay Virginia.

