Sarkaal Ka Tirsanaa Al-Shabaab oo Isku So Dhiibay Dowladda Soomaaliya+Dhageyso

0

Sarkaal ka Tirsanaa Xarakadda Al-shabaab ayaa isku dhiibay Ciidamadda Dowladda Federalka Soomaaliya ee ku sugan Degmadda Ceelwaaq Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliyeed.

Sida ay Xaqiijiyeen Maamulka Degmadda Ceelwaaq ee Gobolka Gedo,sarkaalkaan ayaa kasoo goystay dhanka Al-Shabaab ,wuxuuna watay qori AK47 ah.

Waxa ay sheegeen in uu xiriiro lasoo sameeyay Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Soomaliya ee ku sugan Gobolka Gedo,islamarkaana soo dhaweyn loo sameeyay markuu yimid.

Sarkaalka oo ka hadlayay halka lagu soo bandhigay ayaa sheegay in sanado badan uu ka tirsanaa Al-Shabaab,islamarkaana uu dhibatooyin ku qabay la joogooda.

Mudooyinkii dambe Ciidamadda saraakiisha Shabaab ka tirsan ayaa isku soo dhiibayay Ciidamadda Dowladda Soomaaliya eek u sugan Goboladda gedo, iyo Jubooyinka Maamul Goboleedka Jubbaland.

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here