Maxkamada sare ee jasiiradda Seychelles waxaa lasoo taagay 5 muwaadin oo Somali ah kuwaas oo lagu eedeynayo burcad badeednimo.
Sida uu sheegay police-ka Seychelles howlgalka la dagaalanka burcad badeeda ee midowga Europe EU NAVFOR ayaa bishii April eedeysanayaashan ku wareejiyey jasiiradda Seychelles.
Ku wareejinta Seychelles lagu wareejiyey ayaa timid kadib heshiis dhex maray Seychelles iyo midowga Europe oo taageero ka helayo xafiiska QM u qaabilsan la dagaalanka Drugs ka iyo dambiyada ee UNODC.
Shantan muwaadin ee Soomalida ah ayaa dhowr jeer lasoo taagay maxkamad, waxaana hadda mar kale dhamaantood ay kasoo muuqan doonaan maxkamadda marka la gaaro June 7.
Police-ka Jasiiradda Seychelles ayaa sidoo kale sheegay in mid kamid ah ragaan ku eedeysan burcad badeednimada loo soo gacan geliyey bishii November sanadkii 2017 dibna ay ugu celiyeen howgalka la dagaalanka burcad badeeda ee midowga Europe EU NAVFOR bishii December sanadkii 2018.
Seychelles waa jasiirad ku taallo galbeedka badweyn Hindiya, juquraafi ahaan waxa ay u dhowdahay xeebta Somalia waxa ay dagaal kula jirtaa burcad badeeda tan iyo sanadkii 2015.
Jasiiradda ayaa muddadaas kala shaqeyneysay beesha caalamka la dagaalanka burcad badeeda Soomalida ah.
Sanadkii 2015 jasiiradda Seychelles ayaa dhistay maxkamad u gaar ah dhageysiga kiisaska bur badeeda iyo dambiyada la xiriiran

