Maamul Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in uu hakiyay wadashaqeyntii uu lahaa Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Galmudug ee Dhuusa-mareeb ayaa lagu sheegay in Galmudug ay joojisay xiriirkii wada shaqeyneyd ee dowladda federaalka inta heshiis siyaasadeed laga gaarayo arrimaha dhameystirka dastuurka, doorashooyinka federaalka iyo amniga.



