Kooxo hubeysnaa ayaa Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxa ay ku dileen askari ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dilkaan ayaa ka dhacay Degmadda Holwadaag ee Gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal dhalinyaro bastooladdo ku hubeysnaa ayaa toogtay askariga,waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.
Dhanka kale Ciidamadda Dowladda ee ku sugan Isgoyska Holwadaag ayaa ku guuldareystay in ay qabtaan ragii dilka geystay, oo si nabad ah goobta ugu baxsaday.
Amniga magaaladda Muqdisho ayaa sii xumaaday tan iyo markii la galay bisha Ramadaan,waxayna shabaab ku dileen dhowr ruux.

