Dowladda Kenya oo ah Furaha Somaliland Ay Caalamka Kaga Dooneyso Aqoonsi

0

Wargeyska Daily Nation oo soo xiganayo safiirka Somaliland ee dalka Kenya Bashe Omar ayaa qoray in Dowladda Kenya ay fure u tahay codsiga Somaliland ee caalamka ay kaga dooneyso aqoonsiga.

Toddobaadkii hore hogaamiyeyaasha Somaliland ayaa la kulmay hogaamiyeyaasha ugu sareeya siyaasadda Kenya iyo ururada ganacsiga si ay uga la xaajoodaan xoojinta xiriirka siyaasasdeed iyo midka dhaqaale ee labada dhinac.

Hogaamiyeyaasha Somaliland oo la kulmay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga ayaa ku riixay xoojinta xiriirka ganacsi ee ka dhaxeeya Kenya iyo Somaliland

Kulankan oo uu soo agaasimay safiirka Somaliland ee Kenya ambassador Bashe Omar waxaa looga dooday waxyaabo badan oo ay kamid ahaayeen waddooyinka lagu hormarin karo Ganacsiga iyo ammaanka Somaliland.

Mr Odinga ayaa xusay in Somaliland ay ahmiyad gaar ah siiso xasiloonida gobolka geeska Africa.

Dhanka kale Afhayeenka baarlamaanka Kenya Aden Barre Duale ayaa xarunta baarlamaanka Kenya ku casuumay hogaanka labada xisbi siyaasadeed ee Ucid iyo Kulmiye waxa ayna dhankooda ku doodeen habka lagu xoojin karo xiriirka ka dhaxeeyo dhinacyada Kenya iyo Somaliland.

Kenya ayaa sii waddo taageeradeeda Somaliland ay ka siineyso helidda aqoonsi kaga yimaado beesha caalamka waxa ayna kordhineysaa fursadaha ganacsi ee labada dhinac.

Somaliland ayaa sheeganeysa inay ka madax banaan tahay Somali muddo 28 sano ah kadib markii ay ku dhawaaqday inay isaga go’day Somalia inteeda kale sanadkii 1991.

Si kastaba ha ahaatee Ambassador Bashe Omar ayaa aaminsan in Kenya ay door weyn ka ciyaari karto caawinta waddankiisa ay ka caawineyso kororka dhaqaalaha iyo helista aqoonsi caalami ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here