Turky-ga oo Dagaalyahanno Ka Tirsan PKK Ku Dishay Dalka Iraq

0

Ciidamada ammaanka dalka Turkey-ga ayaa waqooyiga dalka Ciraaq ku dilay lix dagaalyahan oo kamid ah kooxda PKK kadib howgalo ay halkasi ka sameeyeen ciidamadu sidaas waxaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay wazaradda difaaca ee dalkaas.

Ku dhawaad 15 dagaalame oo ka tirsan PKK ayuu Turkey gu ku dilay Harkuk oo ka tirsan waqooyiga dalka Iraq tan iyo markii howlgalku bilowday Isniintii.

Qoraalka waxaa la sii raaciyey in ciidamada commandos-ka ee dalka Turkey gu ay bur buriyeen hub, dhufeesyo iyo guryo badan oo ay kooxdu leedahay.

Howlgalkan military ayaa ujeedkiisu yahay in kooxdan turkey gu u aqoonsan yahay argagixisada laga saaro goobahaas.

In ka badan 30 sano ayey dowladda Turkey gu dagaal kula jirtay kooxda PKK waxaana Turkey ga Mareykanka iyo Midowga Yurub ay kooxdan u aqoonsadeen argagixiso.

Iran oo diyaar wadahadallo ay la gasho dalalka bariga dhexe.

Dowladda Iran ayaa diyaar u ah inay wadahallo la furato waddamada gacanka cadmeed si loo xaliyo xasaradda ka jirto bariga dhexe, sidaas waxiaa sheegay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalka dalka.

Abbas Araqchi ayaa hadalladan jeediyey kadib booqasho uu ku tagay magaalada Doxa ee caasimadda dalka Qatar halkaas oo uu kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda dalka Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman. Al Thani in the capital, Doha.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Qatar Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen xalinta dhibaatooyinka ka taagan gobolka.

Xasaradda Iran iyo dalalka bariga dhexe ayaa sara u kacday markii Iran lagu eedeeyey weerar dhawaan lagu qaaday doomo laga leeyahay dalalka Saudi Arabia iyo Imaaradka Carabta.

Xuumadda Washington ayaa hub iyo maraakiib dagaal siisay qaar kamid ah waddamada bariga dhexe waxa ayna ku dhawaad 1500 oo askari usoo dirtay gobolka bariga dhexe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here