Al-shabaab ayaa ka hadlay qaraxyo miino oo Kolonyo ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya saakay lagula eegtay Duleedka Degmadda Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Shabaab waxa ay sheegeen in qaraxyadda oo dhulka ku aasnaa ay la kaceyn gawaari dagaal ay la socdeen ciidamo iyo saraakiil Dowladda Soomaaliya ka Tirsan.
Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in in qaraxa ka dhacay Duleedka Degmadda Balcad lagu dilay Jiinoow Cigaal oo kamid ahaa saraakiisha ugu caansan ciidamada dowladda ee ka howlgala Shabeelaha Dhexe.
Jiinoow Cigaal ayaa ahaa sarkaal seddex xidigle ah oo ka tirsanaa ciidamada Melleteriga Soomaaliya waxaana la dhintay mid kamid ahaa ilaaladiisa,sidoo kale waxaa ka badbaaday sarkaal magacaabiisa lagu soo koobay Maxamed Raage.
Dhanka kale Ciidamo kale oo ka Tisan kuwa Dowladda Somaaliya oo gurmad ahaan ugu soo socday ciidamadda la qarxiyay, ayaa ayagana lagu qarxiyay Tuulada Gololeey balse ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay.

