Qaraxyo Ka Dhacay Muqdisho iyo Duleedkeeda iyo Al-Shabaab oo Ka Hadlay!

0

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxyo iyo weeraro dabagal ahaa oo saacidihii aynu soo dhaafnay ka dhacay Magaaladda muqdisho iyo Duleedkeeda.

Kolonyo ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa qarax Miino waxaa lagula eegtay deegaanka KM13 ee duleedka Magaaladda muqdisho.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhaawacmay 3-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qarax ay sheegeen in uu ka dhex dhacay xalay Xiradda Generaal gordan Degmadda Hodan,waxayna sheegeen in ay ku dhinteen 3-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weeraro lagu qaaday saldhigyo Ciidamadda Jubba-land iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Duleedka Magaaladda Kismaayo iyo Deegaanka Buulo-mareer.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here