Magaaladda Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ka furmay tababar 3 bilood ah oo lasiinayo ciidamo la doonayo in loo shaqaaleysiiyo police ahaan.
Tababarkan waxaa lagu qabanayaa dugsiga tababarka police ka ee Magaalada Jowhar, waxaana bixinaya saraakiil ka socdo Amisom.
Xafladda furitanka tababarkan waxaa soo xaadiray qaar kamid ah mas’uuliyiinta ugu sareysa dowlad goboleedka Hirshabeele sida madaxweyne ku xigeenka Hir Shabeele Ali Abdullahi Husein “Guudlaawe”, guddoomiyaha gobolka Sh. Dhexe Ahmed Meyre Makaran, Waziir ku xigeen ka amniga Hir Shabeele Gelle Isak Warsame, Taliyaha dugsiga tababarka Jowhar Osman Afrah iyo saraakiil ka socdo howlgal midowga Africa ee Somalia.
Tababarkaan waxa uu daba socdaa tababaro ay hore Amisom ugu sameysay ciidamada Police ka ah ee ka howl gala gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
“Tababarkani waa kii labaad ee aynu siineyno xubno la doonayo in loo shaqaaleysiiyo police ahaan. Waxa uuna soconayaa seddex bilood, ujeedkiisu waa inay soo qalin jabiyaan police xirfad leh awoodna u leh sugitaanka amniga iyo kahor tagga qataraha kusoo wajahan Hir Shabeele” sidaas waxaa yiri sarkaalka tababarka bixinayo oo lagu magacaabo John Hamweene.
Tababarkan waxaa maalgelinaya xafiiska QM ee dhanka mashaariicda UNOPS.
Ciidamada tababarka uu u furmay ayaa ah dufcadii labaad ee qaadanayo tababarka waxa ayna qeyb ka yihiin 800 oo askari oo hore ay u sheegeen Amisom, QM, Midowga Europe iyo Uk in loo tababarayo Hir Shabeele.
Dufacaddii ee dhameystay tababarka Amisom oo ay tiradoodu gaareyso 200 oo police ah ayaa qalin jabiyey bilowgii sanadkan waxaana loo daabulay qeybo kamid ah Hir Shabeele.








