Askari ka tirsan ciidamada booliiska ayaa xalay lagu dilay isgoyska Xalwo Banaadir ee Magaaladda Boosaaso ee Gobolka bari.
Askariga la dilay oo lagu magacaabo Sharma’arke Axmed Waaberi, waxaa uu ka tirsanaa saldhiga Ciidamadda Mijir ee magaaladda.
Rag hubaysan ayaa rasaas ku furay Baabuur nooca loo yaqaan Brobox oo lagu midabeeyay calaamada Booliiska, kaasi oo ay saarnaayeen Askariga la dilay iyo labo askari oo kale.
Askari kale ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray weerarkaasi.
Wararkii uga dambeeyey ee saaka inaga soo gaaraya magaalada boosaaso ee xarunta Gobolka bari ayaa kusoo waramaya in ciidamadda amaanka ee puntland ay baaritaano ka wadaan qaar ka mid ah xaafadaha magaaladda,kuwaasi oo baadi goob uga jira soo qabashada ragii ka dambeeyey weerarka lagu dilay askariga laguna dhaawacay midka kale.
Inta badan magaalada boosaaso ayaa waxaa ku soo laab laabta dilalka qorsheysan ee ay geysanayaan rag ku hubeysan bastoolado iyadoona inta badan aysan jirin cid ay ciidamadu u qabtaan dilalka loo geysto saraakiisha iyo masuuliyiinta ka tirsan puntland.

