Xildhibaan Dalxa:-“Kenya Waxay Doonaysaa in ay Burburiso Dowladda Soomaaliya”,+Dhageyso

0
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa

Dowlada Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay taageero xoogan siinayso maamul goboleedyada dalka ka jira si ay u burburiso dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo la hadlay idaacadda simba ayaa sheegay in Kenya ay ka faaideysanayso kala qeyb sanaanta Soomaalida.

Waxa uu sheegay in Kenya ay kordhisay dhibaatooyinka ay ku hayso Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda,islamarkaana maalmihii ugu dambeeyay ay qaaday tilaabooyin aan la aqbali karin.

Dhanka kale Xildhibaan Dalxa ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Soomaaliya in ay qaadaan  go’aano jawaab u ah kuwa Kenya ay qaaday.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay hadii Madaxda Dowladda Dhexe ay jawaab bixin waayaan ay Baarlamaanka Soomaaliya go’aan kasoo saari doonaan daan-daansiga Dowladda kenya.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here