Dowladd Goboleedka Puntland ayaa si kulul uga jawaabtay hadal kasoo yeeray wasiirka waxbarashada ee Somaliya C/llaahi Goodax Barre kaas oo ahaa in uu fashilmay imtixaanka ay qaadeyso Puntland.
C/llaahi Goodax Barre ayaa hadalkan ka sheegay magaaladda Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hir Shabeelle oo kulan uu kula qaatay madaxweymaha Hir Shabelle Maxamed Cabdi Waare.
Wasiirka Waxbarashada ee dowladd Goboleedka Puntland C/laahi Maxamed Xasan ayaa sheegay in imtixaanka ay qaadeyso Puntlan oo shalay bilowday uu ku socdo hanaan wanagsan islamarkaana aysan jirin wax dhibaato ah oo laga soo sheegay deegaanada Puntland ee uu imtixaanku ka bilowday.
Wasiirku waxa uu fashilkii todobaadkii hore ku yimid imtixaanka mideysnaa ee dowladda Somalia ay ka qaadeysay ardayda dhameyneysa dugsiyada sare ku eedeyey C/llaahi Goodax Barre oo ah waziirka waxbarashada Somalia islamarkaana lahaa go’aankii muranka iyo dibad baxyada dhaliyey ee lagu hakiyey imtixaanka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Cabdullahi goodax barre oo kaliya uu wato fashilka uu sheegay inuu ku yimid imtixaanka ay qaadeyso Puntland islamarkaana looga baahan yahay caddeymo.
Waziirka waxbarashada dowladda DFS C/llaahi Goodax Barre oo uu wehliyo waziirka amniga Somalia ayaa shalay safar ku tagay magaalada Jowhar si ay arinta imtixaanaadka ugala hadlaan madaxweynaha Hir Shabeelle Maxamed Cabdi waarre oo sheegay todobaadkii hore in maamulka Hir Shabelle uu mas’ul ka yahay imtixaanka ardayda maamulkaas.

