War Deg Deg:-Askari Muqdisho Ku Dhaawacay 3-ardey oo Walaalo ah

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo 3-ardey oo walaalo ah ku rasaaseeyay magaaladda Muqdisho.

Falkaan ayaa ka dhacay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla degmadda Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka ardeyda oo isla dhalatay ayaa saarnaa gaari,waxaana rasaas ku furay askari ka Tirsan Dowladda oo ilaa haatan aan la ogeyn sababta ku qasabtay.

Waxaa falkaan ku dhaawacmay Hodan Daahir oo xabadda haleeshay, halka Safiyo iyo Zakariye oo isla ilmo Daahir ah ay qaabab kale ku dhaawacmeen,kadib markii gaariga iska tuureen.

Dhanka kale qaar kamid ah eheladda ayaa sheegay in dhaawacyadda caruurta la dhigay mid kamid isbitaaladda mgaaladda Muqdisho.

Saddexda arday ayaa la sheegay in sanadkaan ay dhamaynayeen waxbarashada dugsiga sare, waxa ay dhiganayeen dugsi gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo Al-anwaar.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here