Faafaahino dheeri ah ayaa kasoo baxayo qarax xoogan oo Maanta ka dhacay magaalada Jakarta ee xarunta dalka Indonesia
Qaraxa ka dhacay magaalada Jakarta ayaa ahaa qarax aad u xoogan waxaana lagu weeraray aag ganacsi oo lagu magacaabo Sarina. Ee ku yaala magaalada Jakarta ee xarunta dalka Indonesia waxaana ku dhintay dad aad u fara badanaa oo xiligaas ku sugnaa xarunta Ganacsi.
Ilaa hada lama Ogo qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashtay qaraxyada Maanta ka dhacay magaalada Jakarta ee xarunta dalka Indonesia Iyadoona ciidamada dalkaas ay wali ku howlan yihiin soo qabashada dadkii ka dambeeyayay weerarka
Dhanka kale war kasoo baxay Ururuka daacish ayaa lagu sheegay in daacish ay ka dambeeyeen weerarkii maanta ka dhacay magaalada Jakarta ee xarunta dalka Indonesia





