Madaxweynaha Maamuulka Somali-land Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta ka qeyb galay aas qaran oo loo sameeyay Marxuum Abwaan Cali Sugule Cigaal “Duncarbeed”oo dhawaan ku geeriyooday dalka isku Taga imaaraadka Carabta,
Aaska waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay Madaxda Maamulka soomali-land odoyaasha iyo dadweynaha Magaalada Hargeysay caasimada Maamulka soomali-land kuwaasi oo abwaanka ku Tilmaamay mid ka baxay dhamaan umada soomaaliyeed, waxbadna u qabtay Umada wadankiisa intuu noolaa
Abwaan Cali Sugule Cigaal “Duncarbeed” ayaa aas qaran loogu sameeyay Caasimada Somaliland ee Hargeysa gaar ahaan Xabaalaha Naaso-hablood. Waxa kasoo ka qeyb galay dad aad u fara badan,






