Faah-faahin:-Dil Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya askari ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xalay lagu dilay Degmadda Kaaraan ee Gobolka banaadir,gaar ahaan waaxda Jabuuti.

Dad goobjoogayaal ahaa ayaa inoo sheegay in labo dhalinyaro oo bastooladdo ku hubeysnaa ay fuliyeen dilka askariga,islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.

Askariga la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay Daahir,wuxuuna kamid ahaa ciidamadda ku sugnaa Degmadda Kaaraan.

Dhanka kale maamulka Degmadda Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay ku raad joogaan ragii ka dambeeyay dilka askariga islamarkaana gacanta lagu soo dhigi doono.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here