Waxaa war-murtiyeed ka kooban 7-qodob laga soo saaray Shirkii u dhaxeeyay Maamulada Puntland, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed kaasi oo xalay lagu soo gaba-gabeeyay magaaladda Garoowe.
Seddexda maamul ayaa ku heshiiyay in ay ka shaqeyaan dhameystirka iyo hirgelinta nidaamka Federaalka dalka, iyaga oo iskaashi kala sameynaya Maamulada kale ee Federalka iyo dowladda dhexe.
Sidoo kale seddexda maamul ayaa ku heshiiyay in la iska kaashado dagaalka Xarakadda Al-shabaab.


