War Deg Deg:-Toogasho Lagu Xukumay Rag Lagu Helay Dilkii iyo Kufsigii Caasho Ilyaas

0

Maxkamadda Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa goordhaweyd Xukun dil toogasho ah ku riday 3-kamid ah raggii lagu eedeeyay kufsigii iyo dilkii loo geystay Caasho Ilyaas aadan.

Maxkamadeynta 10-ruux oo lagu eedeeyay kiiska ayaa saakay ka furantay Magaalada Garoowe,inkastoo laba jeer dib loo dhigay.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee dagmada Garoowe Shiikh Cabdinuur ayaa Ku dhawaaqay go’aanka Maxkamada ee ku aadan kiiska Caasho Ilyaas Aadan.

3-Eedaysane ee kala ah Cabdifataax Cabdirahman Warsame,Cabdisalaan Cabdirahman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige waxaa lagu xukumay dil toogasho ah oo ay fulinayso Maamulka Puntland

Garsoorku waxa uu sheegay in Xukunka uu ka furan yahey Racfaan mudo bil ah.

Waxaa kale oo ay Maxkamadu fasaxdey 7 kale ee Eedaysanayaasha ahaa oo ay ku tilmaamtey kuwo aan danbi lahayn.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here