Booliska oo Sheegay in La Qabtay Askari Dilay Darawal Mooto Bajaaj

0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay askari  saakay Darawal mooto Bajaaj ku dilay Isgoyska Tarabuunka ee Magaaladda Muqdisho.

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Generaal Zakiye Xuseen oo qoraal soo dhigtay barteeda bulshadda ayaa sheegtay in ciidamadda amniga ay qabteen askariga dilka geystay islamarkaana sharciga lala tiigsan doono.

“Wargelin Ciidanka Booliska ayaa soo xiray askari boolis ah oo maanta darawal mooto Bajaaj ku dilay qof kalena ku dhaawacay Tarabuunka, waxaana la marsiinaa sharciga. Marnaba ogaal meyno in askarteena dhib u geystaan shacabka” ayey tiri Taliye Zakiya.

Askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa saakay darawal mooto Bajaaj ku dilay isgoyska tarabuunka ee magaaladda Muqdisho.

Darawalka la dilay iyo askariga dilka geystay ayaa wada murmay, waxaana intaasi kadib xigtay in Askariga uu xabad ku dhufto wiilkii watay Mooto Bajaajta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here