Ciidamadda Dowladda oo Ku Wajahan Deegaano ay Ku Sugan Yihiin Shabaab+Sawirro

0

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo muddooyinkii dambe howlgallo loogu soo horjeeday Shabaab  ka waday Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in ay ku wajahan yihiin deegaanada Awdhiigle, Mubaarak iyo Janaale.

Taliyaha Ciidanka gaarka ah ee Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed  Gashaanle Cabdiraxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar) ayaa ka warbixiyey sida Ciidanka Danab ay Alshabaab uga saareen deegaanka Bariire iyo sidoo kale Howlgallo kale oo lagu xoreynayo deegaanada Shabaab ay ku sugan yihiin.

Gaashaanle C/raxmaan Shiikh Cumar ayaa sheegay in ay doonayaan in Shacabka Ku nool Awdheegle, Mubaarak iyo Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ay ka dulqaadaan dhibaatada Alshabaab, isaggoo xusay inShabaab hadda aysan laheyn Awood ay isaga difaaca Ciidanka Dowladda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here