Imaaraadka Carabta iyo Norway oo Kawada Hadlay Arrimaha Soomaaliya

0

Waziirka arrimaha dibadda ee dalka isutagga Imaaraadka Carabta Dr. Anwar bin Mohammed Gargash ayaa kulan la qaatay wakiilka gaarka ah ee dalka Norway u qaabilsan Somalia Vebjorn Heines.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay horumarada Somalia iyo guud ahaan gobolka geeska Africa.

Intii uu kulanku socday Dr. Anwar Gargash ayaa sharaxaad ka bixiyey dadaallada Imaaraadka Carabta uu ku bixinayo taageeridda xasiloonida, horumarinta iyo arrimaha bini’aadanimada Somalia iyo guud ahaan gobolka.

Kulanka ayaa waxa uu qeyb ka yahay xiriirada diblomaasiyadeed ee Imaaraadku uu sameynayo iyo dadaallada uu ku bixinayo xasilinta gobolka geeska Africa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here